WAJAALE NEWS

Agaasimaha Dalada SONYO Oo Dalka Loogu Soo Dhaweeyey, Kana Warbixiyey Safarkiisi Dalka Maraykanka

HARGEISA(WAJAALENEWS);Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ugu maqnaa waddanka Maraykanka ayaa maanta  si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimadda Somaliland.
Soo dhaweyn ballaadhan oo aan loo kala hadhin waxa shalay Agaasimaha SONYO Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo uu hor kacayay Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku Xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Agaasimaha Dalladda SONSAF Md. Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani, Xubno ka socday Golaha sare ee SONYO, masuuliyiin kala duwan oo iyaguna ka kala socday Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee dalkeena ka hawl gala iyo guud ahaan dhallinyaro aad u badan oo dhammaantood hab maamuus sare leh ugu soo dhaweeyey Agaasimaha Fulinta ee SONYO Madaarka Hargeysa.
Soo dhaweyn ballaadhan oo lagu qaabilay Agaasimaha SONYO oo safarkiisa Maraykanku Guul ballaadhan u soo hooyey qarankeena Somaliland kadib waxa hadalo koobkooban munaasibadda soo dhaweynta Agaasimaha laga jeediyey Qolka nasashada Xubnaha Muhiimka ah ee Madaarka Cigaal International waxaana halkaasi ugu horrayn hadalo kooban oo qiimo badan ka soo jeediyey Md. Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ee mudada ka hawl galayay Ururada Bulshada, waxaanu Mudane Cabdikariim Axmed Mooge xusay in Agaasimaha SONYO dhammaanteen innagana mudan yahay soo dhaweyn iyo qiimayn sharaf weyna ay guud ahaan dhallinyarada Somaliland u tahay in Siciid noqday xubin ka jibbo keentay in uu qaddiyadda dalkeena gaadhsiiyey markii ugu horraysay taariikhda Somaliland guriga cad ee Maraykanka. Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay dadaalka qiimaha badan ee ay SONYO waddo isaga oo ku guubaabiyey in ay sii laban laabaan isku xidhka dhallinyarada iyo u doodidda ay meesha sare gaadhsiiyeen waxaanu dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay in ay is barbar taagaan Dalladda SONYO oo uu ku sifeeyey mid guulaysatay oo qabatay wax lagu farxo laguna hambalyeeyo. Intaa kadib waxa isna hadalo soo dhaweyn ah madashaasi ka jeediyey Md. Axmed Abokor Maxamed oo ka mid ah aasaasayaashii dalladda SONYO horena u soo noqday Guddoomiye ku xigeen, ahna sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda Save The Children oo xusay in SONYO masaafo aad u dheer goysay oo ay ka midho dhalisay ahdaaftii iyo ujeedooyinkii loo aasaasay. “Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed waxa uu qabtay wax dhammaantayo na farxad geliyey. Waan ku faanaynaa waxaanan dalkeena tusnay in dhallinyaradu maanta gaadhay meeqaamkii ay dalkan ku hogaamin lahayd. Markii aan warbaahinta ka daawaday in Agaasimaha SONYO guriga cad ee Maraykanka kula kulmay saraakiisha ugu sarraysa dalka Maraykanka oo uu ugu bal ballaadhiyey qaddiyadda Somaliland. Tallaabadaasi waa mid dhaxal gal ah waanan ku ammaanayaa Siciid iyo Guud ahaan SONYO” ayuu yidhi Axmed Abokor Maxamed.
Agaasimaha Fulinta dalladda ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF) Md. Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) oo isna madashii soo dhaweynta Agaasimaha SONYO kelmado kooban ka jeediyey ayaa safarka Agaasimaha SONYO ku tilmaamay guul u soo hoyatay qaranka Somaliland maadaama Siciid Markii ugu horraysay noqday xubin Guriga Cad ee Maraykanka si toos ah u geeyey dood iyo garnaqsi ku saabsan qaddiyadda Somaliland isaga oo kala hadlay madaxda ugu sarraysa Maraykanka, tallaabadaasi oo ah mid muujinaysa bisaylka aqooneed iyo mudakarnimo ee dhallinyarada dalkeena. Agaasimaha SONSAF waxa uu Siciid iyo bahda SONYO ku booriyey in dadaalka aan si wada jir ah u laban laabmo oo aan ka midho dhalino ujeedooyinkii SONYO loo aasaasay oo ay ka mid tahay taa aan maanta midhaheeda arkaynaa.
Dhinaca kale Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa mahad naq ballaadhan u soo jeediyey dhammaan dhallinyarada sida weyn u soo dhaweeyey agaasimaha SONYO isaga oo sheegay in Siciid Maxamed Axmed, Agaasimaha Fulinta SONYO safarkiisu ahaa mid guul taariikhi ah u soo hooyey qarankeena loona baahan yahay in dhammaan dhallinyarada dalkeenu sidaa iyo si la mid ah aan dadaalka u sii wadno isaga oo wax lagu farxo ku tilmaamay in SONYO dadaalkii ay muddoba ku horumarinaysay dhallinyarada Somaliland in ay maantana sii waddo arrimaha masiiriga ah ee qarankan iyo qaddiyaddiisa oo uu ku tilmaamay mid ay dhallinyaradu doorka kaga aaddan ka ciyaari karto innaga oo aan qaddiyadda dalkeena cid gaar ah ku eegayn dhammaanteena masuuliyadi innaga wada saaran tahay

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version