WAJAALE NEWS

Waftigii Wasiiradda Ee Xariirad U Joogay Xal U Helida Khilaaf Laba Ardaa Kala Irdheeyay Rajona Muujiyay

Hargeysa (Wajaale News) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa faah-faahin dheeri ka bixiyay midho dhalka heshiis ay ka dhex wadeen laba beelood oo ay hor qardoofo ugu dhex martay Deegaanka Xariirad.
Cabdi Aw Daahir wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland oo u waramayay Warbaahinta Dawladda ayaa sheegay in ay maanta kulan balaadhan u qabteen labada ardaa, kulankaas oo buu yidhi lagu dhaariyay 20 xubnood oo ka kala socday labada ardaa.

Waxa uu Wasiirku intaasi ku daray in odayadaasi ogolaanshiiyo loo siiyay in ay  hoos ugu dhaadhacaan wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan.

Labada Beelood ee ay hore dirirtu u dhex martay ayaa mid waliba uu dhinaciisa ka ogolaaday in uu bixiyo hawshii aaska-dilalkii ka dhacay halkaasi.

Waftigan durba gudo galay turxaan bixinta labadda beelood ee uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland ayaa waxa xubno ka ah Wasiiradda Shaqadda, Dib u dejinta, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda iyo Qorshaynta.

Gabogabadiina Wasiirka Xanaanadda Xooluhu waxa uu xusay in ay hawshaasi u marayso meel fiican, waxaana lagu wadaa in uu soo gabogaboobo Maalinta Berri ah, hadii alle idmo.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version