|
|||||
WAJAALE NEWS
Waftigii Wasiiradda Ee Xariirad U Joogay Xal U Helida Khilaaf Laba Ardaa Kala Irdheeyay Rajona Muujiyay
September 14, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa faah-faahin dheeri ka bixiyay midho dhalka heshiis ay ka dhex wadeen laba beelood oo ay hor qardoofo ugu dhex martay Deegaanka Xariirad. Waxa uu Wasiirku intaasi ku daray in odayadaasi ogolaanshiiyo loo siiyay in ay hoos ugu dhaadhacaan wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan. Labada Beelood ee ay hore dirirtu u dhex martay ayaa mid waliba uu dhinaciisa ka ogolaaday in uu bixiyo hawshii aaska-dilalkii ka dhacay halkaasi. Waftigan durba gudo galay turxaan bixinta labadda beelood ee uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland ayaa waxa xubno ka ah Wasiiradda Shaqadda, Dib u dejinta, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda iyo Qorshaynta. Gabogabadiina Wasiirka Xanaanadda Xooluhu waxa uu xusay in ay hawshaasi u marayso meel fiican, waxaana lagu wadaa in uu soo gabogaboobo Maalinta Berri ah, hadii alle idmo.
Wajaale News Hargeysa Office wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo:Dood Adag Oo Siro Badan Bedka Keentay Kuna Saabsan Saldhiga Militari Ee Magaalada Berbera L... Madaxwayne kuxigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Etoobiya Faah faahin ka Bixiyay Safarka Raysal Wasaa... Kulan Garnaqsi Ah Oo Maanta Dhex Maray Madax Qaybeedyada Telefishanka Qaranka Iyo Gudi Wasiiro Ah Oo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|