WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Iskaga Kala Gudbay Safaro Uu Ku Tagay Djabouti Iyo Ethiopia.

gudoomiyaha barlamankaHargeysa(Wajaale News):-gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Waddani ayaa socdaal ugu baxay wadanka Djabouti.

Ma cada ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa safarka uu gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee
Waddani ku tagay wadanka Djabouti balse wararka laga helayo safarka gudoomiyaha ayaa lala xidhiidhinayaa arimo gaar u ah maadaama ay mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland fasax ku maqan yihiin.

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaan ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa safarka uu wadanka Djabouti ku tagay waxa uu uga sii gudbay wadanka Ethiopia halkaas oo uu maanta ku sugan yahay, isla markaana waxa la filayaa inuu xarunta wadanka Ethiopia ku qaadan doono kulamo gaar u ah.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa inta badan lagu tilmaamaa siyaasi qunyar socod ah ayaan dhaq dhaqaaqiisa siyaasadeed uu inta badan samaynayo aan si hawl yar loo ogaan.

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version