WAJAALE NEWS

Dibad Baxayaal Muslimiin Ah Oo Ka Cadhaysan Sheekh Imaam Ahaa Oo Xalay Toogasho Lagu Dilay Magaalada Mombasa Ee Kenya Oo Maanta Salaadii Jimcaha Ka Dib Weeraray Kiniisado.

Mombasa-(Wajaale News)-Dibad baxyo xoog leh oo rabshado wata ayaa maanta salaadii Jimcihii kaddib ka dhacay magaalo xeebeedka istaraatijiga ah ee Mombasa ee dalka Kenya, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada amaanka ee dalka Kenya ay rasaas ku rideen si ay u kala kaxeeyeen.

Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in uga yaraan dhawr qof ay ku dhaawacmeen dibad baxyadan, waxaana lagu soo waramayaa in dibad baxyadan ay dhigeen dhallinyaro si xoog leh uga cadhootay dilkii loo geystay Imaamkii masaajid ku yaala badhtamaha magaalada Mombasa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim oo xalay salaadii Cishaa?i ka dib lagu dilay isaga arfar qof oo kale oo la saarnaa
baabuur ay wateen, waxaana lagu soo waramayaa in hal qof uu ka badbaaday rasaastan lagu furay gaadhiga Sheekha lagu dilay oo ay saarnaayeen Shan qof oo Sheekha la dilay ku jiray, waxaanay dibad baxayaashu weerareen Kiniisado ku yaala magaalada Mombasa.

Sheekhan lagu dilay magaalada Mombasa, oo ahaa Sheekhii badalay isla Imaamkii hore ee Masaajidkaa tukun jiray oo isna sanadkii hore lagu khaarajiyay dil toogasho ah ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu jeediyay khudbadoay dhallinyaradu ku  tageerayso xarakada Al Shabaab.

Culimada Islaamka ee magaaladda Mombasa ayaa dilalkan ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen ciidamadda la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya, balse, ciidamada dalkaa Kenya ayaa beeniyay eedayntaas loo soo jeediayay.

Ciidamadda amaanka ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in in ay qabqabteen dhallinyaro badan oo ka mid ahaa dibad baxayaasha.

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

Exit mobile version