Qaahira (Wajaale News) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay maanta oo Jimca ah dalka Masar, ka dib markii ciidamada amaanka ay suntan dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah ay la dhaceen dad dibad baxyo dhigyay, oo socod ku marayay jidadka magaalada Qaahira, iyo magaalooyin kale, iyagoo ka biya diidsan xaaladda deg degga ah ee ay milatariga dalkaasi ku soo rogeen.
Goob joogayaasha ayaa ku soo waramaya inay maqleen dhawaqa rasaasta magaalada Qaahira iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala, maanta oo Jimca ah.
Muuqaalo Telefishinka laga sii daayay ayaa muujinayay isku dhacyo rabshada wata oo ay ku lug leeyihiin dad dibadbaxyo ka dhigayay magaalada wuqooyiga Masar ku taala ee Tanta.
Warbaahinta ayaa sheegtay in ciidamada Amaanka ay suntan dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaas cinjir ah ay la dhacayeen taageerayaasha Madaxweynihii xoogga xukunka looga tuuray Maxamed Mursi .
Kumanaan kun oo qof oo taageerayaasha Mursi ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka guud ahaan magaalooyinka dalka Masar, ka dib salaadii Jimcaha ee Maanta.
Dibad baxyadan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ururka Ikhwaanul Muslimiinka uu ku dhawaaqay maalin dibad baxyo cara wata ah, laba maalmood ka dib markii booliska Masaru u bur buriyay laba goobood oo balaaran oo ay fadhiyeen taageerayaasha Mursi oo dibad baxyo ka dhigayay magaalada Qaahira.
Dowladda Masar ayaa sheegtay in rabshadihii ugu dambeeyay ee dalkaasi ka dhacay lagu dilay 638 qof, laakiin Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaareyso kumanaan kun.
Wajaale News
Office Hargaisa /Somaliland