Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in ay dib u hawl-gelinayaan guddiyadii xisbiyada ee baarlamanka dhexdiisa ka taageeri jiray Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Siday werisay Wakaaladda wararka ee SOLNA, oo soo xigatay qoraal uu baraha bulshada ku faafiyay Xildhibaan Gavin Williamson ayuu ku sheegay in ay tallaabadan u qaadayaan kadib doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ka qabsoomeen Jamhuuriyadda Somaliland 13kii November 2024.
Xildhibaan Gavin Williamson ayaa caddeeyay in qoddobka koowaad ee ay ka shaqeyn doonaan xilligan uu noqon doono aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Md. Gavin Williamson oo horena u ahaa Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhiga Ingiriiska, ayaa muddo laba jeer ah baarlamaanka UK horgeeyay mooshinno uu ku guubaabinayey baarlamaanku inay ku booriyaan dawladooda sidii ay aqoonsan lahaayeen Jamhuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo istaahila in Ingiriisku hormuud ka noqdo ictiraafka Somaliland.