WAJAALE NEWS

Sheekh lagu dilay Magaalada Mombasa iyo Xiisado Magaaladaas ka Taagan

MOMBASA(WAJAALENEWS);Xiisado ayaa ka taagan maanta Mombasa kaddib markii xalay lagu dilay magaaladaas Sheekh Abuubakar Shariif Xasan (Makaburi) oo ka mid ahaa culummada caanka ah ee magaaladaas.

Sheekh Makaburi ayaa lagu toogtay bartamaha magaalo xeedeedda Kenya ee Mombasa, waxaana toogashadiisu ay timdi kaddib markuu kasoo baxay maxkamad ay dacwadi ugu socotay.

Wadaadkan ayaa ahaa mid aan la gaban fikradihiisa, iyadoo xukuumadda Kenya ay ku eedeysay inuu yahay xagjir taageersan Al-shabaabta Soomaaliya, balse taas wuu iska diiday, isagoo sheegay inuu yahay muslim Illaahiisa si dhab ah ugu xiran.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iiyaguna ku eedeeyay Makaburi in uu taageero dhaqaalana siiyo Xarakada Al-shabaab, balse eedeyntaasi dhowr jeer oo hore ayuu beeniyay.

Waa wadaadkii saddexaad oo lagu dilo magaalada Mombasa ee dalka Kenya tan iyo sannadkii 2012-ka, iyadoo magaaladaas ay dhowr jeer ka dhaceen weeraro ay dad badan ku dhinteen, kuwaasoo isugu jira qaraxyo iyo weerarro toos ah.

Sheekh Makaburi ayaa mar uu wareysi siiyay BBC-da muddo afar bilood laga joogo ayaa sheegay inuu ka warhayo in ciidamada ammaanka Kenya ay wadaan qorshe ah inay dilaan, balse uusan wax cabsi ah qabin oo uu sugayo maalintii Alle.

Wadaaddadii horay loogu dilay magaalada Mombasa ayaa kala ahaa: Sheekh Aboud Rogo iyo Ibraahim Cumar oo iyaguna ahaa wadaaddo uu dilkoodu muran dhaliyay, iyadoo muslimiintu ay ku eedeeyeen xukuumadda Kenya, balse xukuumaddu way iska riixday eedeyntaas.

Sheekh Makaburi ayaa lagu aasay saaka Mombasa, iyadoo laga baqdin qabo inay ka dhacaan magaaladaas rabshado ay sameeyaan Muslimiinta oo aad uga carooday dilkii Sheekha oo aanay jirin weli cid si rasmi ah u sheegay inay mas’uul ka tahay

 

MOMBASA; WAJAALENEWS DESK

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version