Wasaraadda Gaashaandhiga Jamhuriyadda Somaliland ayaa ku Eedaysay Dowladda Somalia Dagaalkii Gardarada ahaa ee kooxaha nabad diidku ku soo qaadeen Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna Taliska Dhuurmadare ee koonfurta Gobolka Sanaag.
War Saxaafadeedkan ay soo saartey Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku qornaa afka ingiriisidas oo ay soo tarjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa u dhignaa sidan:
Ilo wareedyo dhinaca Sirdoonka ayaa xaqiijinaya in Weeraradan uu soo maleegay Raiisal Wasaaraha Somalia, isaga oo safar daandaansi ah oo siyaasadaysan ku yimid Magaaladda Laascaanood ee Somaliland, safarkaasoo ujeeddadiisu ahayd inuu xasillooni darro ka abuuro gudaha Xuduudda Somaliland.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in tallaabada noocan ahi ay xadgudub toos ah oo ka dhan ah amniga mandaqadda isla markaana ay ka hor imanayso shuruucda u degsan dalalka jaarka ah iyo madaxbannaanida qaramada. Wakhti ay Somaliland hormuud ka tahay nabadgalyada iyo iskaashiga geeska Afrika, ayaa daandaansigani yahay mid mijaxaabinaya, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan dadaallada wada jirka ah ee loogu jiro sidii gobolku bariga Afrika Nabad u noqon lahaa.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay mar kale xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay inay difaacdo dalkeeda iyo madaxbannaanideeda dawladeed, isla markaana ay xoojinayso nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda.
Dawladda Somaliland waxa ay ku boorrinaysaa bulshada caalamka iyo saxiibbada gobolka inay si weyn uga warqabaan xaaladda isla markaana ay taageeraan tallaabooyinka hoos loogu dhigayo xiisadda iyo in la ilaaliyo nabadda gobolka.