WAJAALE NEWS

“Xadhiga Qoyskayga Waxaan Filayaa In Ay Ka Timid Xaga Madaxweyne Muuse Biixi”..Xaglotoosiye

Hargaysa(W,N)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa ka waramay xadhiga lagula kacay baabuur uu leeyahay oo siday xubno ka mid ah qoyskiisa.

Wasiir Xaglatoosiye oo ka hadlay xadhigan ayaa waxa uu yidhi ““Aniga ayaa  laba baabuur u diray xaga laascaanood kuwaas oo reerkayga qaaday odayaalna ka soo qaadayey, hadana reerkaygii meel la geeyey kama war hayo, baabuurtii, darawaladii iyo askartii la socotayba waxa lay sheegay inay ku xidhan yihiin taliska qaybta, markii lay soo sheegayna waxaan la hadlay taliyaha ciidanka booliska cabdilaahi fadal waxaanu igu yidhi waan kugu soo celinayaa, markii uu igu  soo celin waayeyna dhawr jeer ayaan la hadlay mararka qaarna wuu igu dhigay intii ka dambaysayna wuu ila hadli waayey.”ayuu yidhi wasiir Xaglatoosiye oo la hadlay bulshotv.

Dr. Xaglatoosiye ayaa sheegay inaanay jirin wax dhib ah oo u dhaxaysay madaxweynaha cusub ee somaliland, waxaanu tilmaamay inaanu garanayn sababta keentay xadhigan  waxaanu yidhi “Walaahi garan maayo, madaxweynihii hore ee aniga I magacaabay Axmed Maxamed Siilaanyo aad ayaan ugu mahad celinayaa waxa uu ahaa madaxweyne weyn oo ay taariikhdu dhigi doonto, madaxweynaha cusub ee Muuser Biixi saaxiib ayaanu ahayn dhibaatana nama dhex oolin, waanad arkayseen inaan u ololaynayey waxaanan u arkayey inuu ahaa xal daleed, markaa wax dhibaato ah oo dhexdayada yaalay aniga iyo Muusaha cusub may jirin, wax baabuurtayda iyo reerkayga lagu qabsadayna garan maayo kolayna wakhtiga ayaa sheegi doono.”

Sidoo kale wasiir Xaglatoosiye ayaa sheegay inuu xadhiga qoyskiisu xidhiidh la leeyahay amar ka yimid madaxweynaha waxaan yidhi “Aniga iyo madaxweyne Muuse Biixi laba nin oo badaw ah ayaanu nahay saaxiibna waanu nahay, dawlada uu dhisayna waxba hada ka sheegi maayo waanan ugu hambalyeynayaa laakiin isaga ayaa la waydiinayaa waxa lagu haysto baabuurtayda iyo qoyskayga, waxaanay arintaasi u badan tahay inay xaga madaxweynaha ka timid”

 

Exit mobile version