Dawladda Hoose ee Gabiley ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiisay 700 qoys oo danyar ah, iyada oo la fulinayo dadaallada lagu taageerayo bulshada baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan Burhan barakaysan ee bisha Ramadaan.
Munaasabadda qaybinta raashinka waxaa goob joog ka ahaa Duqa Degmada Gabiley, Mudane Axmed Maxamed Axmed (Ciisood), Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi, Xoghayaha Xafiiska Badhasaabka Gobolka Gabiley, Agaasimaha Arrimaha Bulshada Iyo Madaxa Camuud Foundation.
Deeqdan waxaa si gaar ah u bixisay Hay’adda Camuud Foundation, taasoo uga gol lahayd in la taageero qoysaska danyarta ah si ay u helaan cunto ku filan inta lagu jiro bisha barakaysan.
Maayarka Gabiley ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Camuud Foundation kaalinta ay ka qaadatay gurmadka bulshada, isaga oo xusay in Dawladda Hoose ee Gabiley ay sii wadi doonto dadaallada lagu caawinayo dadka danyarta ah, si kor loogu qaado noloshada bulshadu.