CEERIGAABO(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigaย u hoggaaminaayo ee safarka shaqo u joogay maal-mihii u dambeeyey Gobolka Sanaag ayaa maanta goob-joog ka noqdey oo ka qayb-galay munaasabad ballaadhanย oo ahayd mid lagu qaramaynaayey qaybtii u horaysay ee Ciidanka madaniga iyo gadiidkoodii dagaalka,
Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidankaย Qaranka JSLย ayaa ciidamada u qaabiley si kal furran, waxaanay u sheegaan inay kamid yihiin saacada laga bilaabo Ciidanka Qaranka JSL.
Xukuumada ย WADDAJIR iyo WAX-QABADย ย iyadoo fullinaysa ballan-qaadkii hore ee ahaa inay qaramayn doonta ciidamada madaniga ah, ayaa waxaa ayย maanta Qarameysayย wajigii koobaad ee Ciidamadaas, iyadoo maal-maha soo socda la qarameyanย doonno cutub-yo kale oo kamid noqon doona ciidanka Qaranka JSL.