HARGAYSA(W,N)-Maxkamada Sare ee Ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiiglihii diley taliyihii saldhiga maxamed mooge Marxuum cabdi cali nuur, iyadoo hore maxkamada darajada koowaad ee ciidanku dil ugu soo xukuntay
Sidoo kale maxkamada sare ayaa xukun 12sano ah ku riday askari saldhiga katirsan oo ay ku cadaatay in uu gacan ku dhiiglaha gacan ka siiyay fulinta dilkan
Dhanka kale maxkamada sare ee ciidamada ayaa sheegtay nooca dil lgu fulin doono gacan ku dhiiglaha oo ah dil sharaf daro ah.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;