WAJAALE NEWS

Waxay Gabiley leedahay Gacantiinnu yay noqon.Gabno iyo mid hooto ah ,Waa Maanso Uu Curiyay Abwaan Cabdi Cali Xirsi

Waa Maanso Uu Curiyay Abwaanka Caankah Ee Cabdi Cali Xirsi Oo Ay Magaalada Gabiley Kaga Hadlayso Duruufaha

 

Waa Maanso Uu Curiyay Abwaanka Caankah Ee Cabdi Cali Xirsi Oo Ay Magaalada Gabiley Kaga Hadlayso Duruufaha Ku Gadaaman ,Waxayna Maansadani La Hadlaysaa Shacbiga Reer Gabiley Ee kala jooga Daafaha Dunida Waxayna Tidhi sidan

1.Wakhtigan gurracan iyo

2.Gadgadoonka waayaha.

3.Dadkan golaba caynka ah.

4.Dunidani gablooshee.

5.Nacas guunyo haystiyo

6.Geesiga faqiirka ah

7.Xiliyadan gadoodiyo

8.Sabanadan is daba guray

9.Waa duni gadeedoo

10.Gabay koobi maayee

11.Waxay gabilaey leedahay

12.Magacaygu waa guun

13.Gayi awliyaad iyo

14.Golihii musheekhdiyo

15.Goobsankaan ahaan jirey.

16.Garta odayadeediyo.

17.Geedbaan lahaan jirey.

18.Dhabeel guudka dabatiyo.

19.Gaaribaan lahaan jirey.

20.Gaashaan nin qaadiyo.

21.Geesibaan lahaan jirey.

22.Saca geeska dheeriyo.

23.Ido gorod madow iyo.

24.Maantana ma gowbaa.

25.Gudintiyo hangoolkii.

26.Lagu oodi jirey guri.

27.Ma tan ani I goysaa.

28.Gadhcastiyo musheekhdi

29.Ma tan

 

 

 

 

kala geyootee.

30.Kala gooniyootee.

31.Midba gaarka noqotee.

32.Is gunaanadaynbaa?

33.Gaaridiyo fariiddii.

34.Ma tan gaalo jeceshee.

35.Dharka gaaban xidhatee.

36.Suuqa gayda haysaa?

37.Gabanka iyo wiilkii.

38.Ma kan dhaqan geddoomee.

39.Gundhudheeyey timahee.

40.Dhinacyadana gooyaa?

41.Guddidiyo odeygii.

42.Dadka dhiiri gelin jirey.

43.Ma tan wada gumowdee.

44.Dadka kala gureysaa?

45.Geyigiyo dhulkeygii.

46.Ma kan uun gargoorkiyo.

47.Gubadkiyo tigaadiyo.

48.Dooggii ka guuree.

49.Geed kelidii nooliyo.

50.Gucundhadu ka buuxdee.

51.Garanwaagu haystaa?

52.Waxay Gabiley leedahay.

53.Soohdintayda gaarka ah.

54.Haddii aanan gaadhayn.

55.Gobolnimo maxay tahay?

56.Waxay Gabiley leedahay.

57.Gelbiskuna waa been.

58.Waxba gool ha ii qalin.

59.Adhigana ha gawricin.

60.Qaadhaan ha ii gurin.

61.Geedkana ha ii tegin.

62.Gobolnimana ha I siin.

63.Waxay Gabiley leedahay.

64.Inkastoon gardaadshoon.

65.Gadhmadoobayaal dhalay.

66.Goortay adduunyada.

67.Magacoodu gaadhaa.

68.Dhammaan layga guuraa.

69.Gadaal layma soo dayo,

70.Abaalkeyga lama gudo.

71.Wiil garasho dheer iyo.

72.Geesi iima soo boxo.

73.Galab iyo habeenkaa.

74.Ila gaabinaayoo.

75.Nasiibkaygiibay gabay.

76.Waxay Gabiley leedahay.

77.Dakhli waxa I soo gala.

78.Gini lacaga kama helo.

79.Gunnadii shaqaalaha.

80.Kuwa gura xashiishyada.

81.Sannad gaw ah lama siin.

82.Cidda loo guraayee.

83.Loo geeyo mooyaan.

84.Waxay Gabiley leedahay.

85.Kuwan guunyadaydiyo

86.Ku aaminay guntaydaa.

87.Hoos ii guraayoo.

88.Gacan cadow ku taalliyo.

89.Gawsbaa I daashaday.

90.Waxay Gabiley leedahay.

91.Dibedda iyo gudahaba.

92.Gabankiyo dadkaan dhalay.

93.Intaan soo gardaadshee.

94.Gudahayga soo maray.

95.Badhasaabka gobolkow.

96.Farriintayda gaadhsii.

97.Waxay Gabiley leedahay.

98.Gacantiinnu yay noqon.

99.Gabno iyo mid hooto ah.

  1. Garaadkiinu yuu noqon.
  2. Mid uu gaalku maamulo.
  3. Geyigaad ku nooshahay.
  4. Haddii lagugu gaasiro.
  5. Anaad geesi ii tahay.
  6. Haddii aad guracan tahay.
  7. Anigaad gob ii tahay.
  8. Hadaad gini I siisana.
  9. Anay guunyo ii tahay.
  10. Haddii aad I goysana.
  11. Aday kuu gunnimo tahay.
  12. Haddaad gaalka raacdana.
  13. Aday geeri kuu tahay.
  14. Waxay Gabiley leedahay.
  15. Gurmadbaan u baahnahay.
  16. Iyo gacan sokeeyee.
  17. Gaar ahaan dadkeygii.
  18. Dibedaha gelaayoow.
  19. Boqol laysku geeyaa.
  20. Hanti goosha noqotee.
  21. Goormaad rag iyo dumar.
  22. Is guubaabin doontaan.
  23. Goormaad farriintiyo.
  24. Wax ku qaadan gabayada.
  25. Hadmaad gacallayaaloow.
  26. Ii gargaari doontaan.
  27. Abaalkaan idiin galay.
  28. Hadmaad ii gudaysaan.
  29. Waxay Gabiley leedahay.
  30. Geyigaad ku nooshahay.
  31. Goobtaad ku dhalatiyo.
  32. Gobolkaagii maahee.
  33. Martibaad ku tee garo.
  34. Waxay Gabiley leedahay.
  35. Garan maayo qayrkay.
  36. Inaan gaadhi doonee.
  37. Waxa gaarka ii xidhay.
  38. Idinkoo I gabay iyo.
  39. Goldaloollo weeyaan.
  40. Waxay Gabiley leedahay.
  41. Milicdaa I gubasiyo.
  42. Roobku wuxu la gaagaxay.
  43. Waxan geystay maahee.
  44. Waa gabood falkiinnaa.
  45. Gabalkuba hadduu dhaco.
  46. Paris gunteedaad.
  47. Gudahayga mooddaa.
  48. Ganacsiga madow iyo.
  49. Guryo lagu tuntaa jira.
  50. Khamri lagu gadaa’ jira.
  51. Ganaaxaa I haystiyo.
  52. Gocashadu ha joogtee.
  53. Dhulku inuu gariiraan.
  54. Goor dhow ka baqayaa.
  55. Waxay Gabiley leedahay.
  56. Gar Allee dad weynoow.
  57. Sidaad ii galeysaan.
  58. Gaaladu ma yeeshee.
  59. Guluf iyo inaad tiin.
  60. Gacal iyo sokeeyaan.
  61. Kal garani waayee.
  62. Labadaa mid soo gala!!!
  63. Waxay Gabiley leedahay.
  64. Geeshkiyo dadkaygii.
  65. Ruux ii garaaboo.
  66. Indheer garada kuma arag.
  67. Goblin wiilal badanoo.
  68. Gaban lagu falaan ahay.
  69. Waxay Gabiley leedahay.
  70. Badhasaabka gobolkoow.
  71. Haddaad tahay nin geesiya.
  72. Garashiyo aqoon badan.
  73. Geyi bandanna soo maray.
  74. Aday talo ku gaadhee.
  75. Hadaad garab I siisiyo.
  76. Haddaad meel igoysaba.
  77. Taariikhda guunka ah.
  78. Gadaalbaa lagaa baran…!!!

 

Exit mobile version