WAJAALE NEWS

Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta kusoo Dhigay Dirawal Gabadh Ku Jiidhay Wadadda labada Boqol Oo Ka Baxsaday.

Ciidamada Booliska JSL garahaan hogaanka Nabadgelyada waddooyinka ayaa hawlgal ay sameeyeen  gacanta kusoo dhigay Eedaysane Mubaarik Cabdiraxmaan Maxamed oo xalay  ku jiidhay waddada Labada Boqol Marxuumad Haweya Iidaan Ibraahin kadibna ka baxsaday goobta.

Waxaana Ciidamadu gacanta ku hayaan eedaysanihii iyo gaadhigii uu watay oo noociisu ahaa” Vitz” , waxaana eedaysanaha degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka

 

Exit mobile version