BURCO(W,N)-Kamid ah madaxdhaqameedka beesha bariga burco ayaa si adag uga dareen celiyay hadalkii madaxwaynaha jsl muuse biixi ka jeediyay khayriyada burco kaasi oo uu sheegay in uu talaabo ka qaaday cidii gashay arintii buurta gacan libaax iyo cidii magta bixisay taasi oo ay dhameeyeen madaxdhaqameedka beesha habar jeclo balse xiligan uu madaxwaynuhu si kale uga hadlay
Suldaan sii arag oo kamid ah madaxdhaqameedka beesha habar jeclo ayaa sheegay in cida madaxwaynuhu doonayo in uu xidhaa ay tahay madaxdhaqameedka beeshooda isagoo shacabka beesha habar jeclo ugu baaqay in ay ka codeeyaan muuse biixi islamarkaana ay doortaan musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani.