Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay Saaka saddex qof oo ku eedaysan in ay ka qeyb qaateen rabshadihii ka dhacay Xaafadda Siiney ee degmada Axmed Dhagax 28-kii bisha.
Hawlgal iyo baadhid uu sameeyay Ciidanku ayuu eedaysanayaashan gacanta kusoo dhigay , waxaanay ku jiraan gacanta Booliska, tirada illaa hadda kiiskaasi loo hayo ayaa ah 8 qof , sidoo kale Ciidanku wuxuu ku raad-joogaa xubno kale oo baxsada. baadhidu markay dhamaato waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka .
Taliska Ciidanka boolisku waxa uu bulshada ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xasilloonida iyo nabadgelyada , waxaanan Xisbiyada iyo ururada Qaranka u soo jeedinyaa in ay u hogaansamaan shuruucda dalka.
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.