WAJAALE NEWS

Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo kulan la Qaatay Bulshada Ururada Rayidka Ah

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xaruntooda kullan kula yeeshay ururrada bulshada rayidka ah oo ay hogaaminayso Dallada SONSAF.

KDQ ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka Somaliland, oo haatan maraya heer gebogebo ah.

Xubnaha Ururrada Bulshada ayaa uga mahadnaqay KDQ dadaalka ay ku bixinayaan diyaar-garowga doorashooyinka. Dhanka kale waxay balanqaadeen innay kala shaqeeyaan hawlaha doorashada, gaar ahaan wacyigalinta bulshada ee ee ilaalinta nabad-galiyada iyo xasiloonada guud iyo xuquuada Codbixinta.

Exit mobile version