WAJAALE NEWS

Wasiirul Dawladaha Warshadaha Ee Dawlada Itoobiya Oo Sheegay In Go,aan Uu Dalkiisu Ku Aqoonsanayo Somaliland Uu Yahay Mid Sax Ah.

ADIS ABABA(W,N)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha ee Ethiopia Mr Tarekegn Bululta ayaa go’aan sax ah ku tilmaamay in dawladiisu aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirul dawlaha wershadaha Itoobiya wuxuu ugu horayn u mahadnaqay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shacabka labadaasi dalba heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhawaan dhex maray.

Wasiirul-dawlaha Wershadaha Ethiopia Mr Tarekegn Bululta oo qoraal kooban ku baahiyey barta X ee hore loo odhan jiray Twitter-ka waxa uu ku sheegay in riyadii Itoobiya ee ahayd inay bad hesho ay dhab noqonayso.

Waxa kale oo Wasiirul dawluhu caddeeyay in go’aanka ay dawladiisu ku qaaday aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu ahaa go’aan sax ah.

Exit mobile version