WAJAALE NEWS

WAR DEG DEG AH- Doonyo Ay Saarnaayeen Tahriibayaal U Badan Soomaali oo 24 Saacadood Ku Xanibnaa Badda U Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga Oo La Soo Badbaadiyay

Talyaaniga-(Wajaale News)- Wararka naga soo gaadhaya dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah u xaqiijinaya in la badbaadiyay Doonyihii ay saarnaayeen dadkii tahriibayaasha ahaa ee u badnaa Soomaal oo muddada 24-tab saacadood ah ku go?doonsanaa xeebaha biyaha badda ee u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Warku waxa intaa ku daray ciidamadda gurmadka Illaaladda xeebaha iyo maraakiib kale oo ganacsi in ay ku guulaysteen inay  badbaadiyaan gebi ahaanba tahraabiyaashii doonyahan saarnaa, waxaana loo kaxeeyay dhamaantood dhinaca xeebaha dalka Talyaaniga.

Dadka tahriibayaasha ah ee la soo badbaadiyay ayaa saarnaa Illaa Seddex doonyood, oo ay mid ka mid ah saarnaayeen 110 tahriibe, halka ta kelana ay saarnaayeen 109 muhaajiriin ahi.
Badbaadda doonyahan ay saarnaayeen tahriibayaasha Soomaalida u badan ayaa ku soo beegmay xilli ay dhawaan ku dhinteen xeebaha Talyaaniga dad tahriibayaal ah oo ay tiradoodu gaadhayso Shan Boqol oo tahriibe oo saarnaa doon ku qaraqantay xeebaha jasiiradda Lampdousa ee dalka Talyaaniga.

WIXII WARARA EE KA SOO KODHA KALE SOCO WAJAALENEWS.COM

Hargeysa Office
Wajaale News
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version