WAJAALE NEWS

Muj. Cali Guray Oo Bedka Soo Dhigay Taariikhda Madaw Ee Saleebaan Gaal“Oday Mooryaan ah Inu yahay Ma Nin Diidanbaa jira?

Hargaysa(wajaalenews)Muj. Cali Guray Oo ah shaqsi caan ku ah runsheega ayaa budka soo dhigay taariikhda madaw ee Saleebaan Gaal oo ah gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland waxaanu muj. Cali guray ku sifeeyay masuul mooryaan ah oo taariikhdiisu liidato waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu soo dhigay qoraal kooban bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook waxaanu qoralkaasi u dhignaa sidan.

Waxan halkaa ugu dibjiray ma Saleebaan Gaal bay noqotay. Allaa qadaray. Shalay soomaali oo dhan baa daawanaysay inu guurti yahay iyo inu gaal cadow ah yahay iyaga ayaa xukumi. Ninkii gabayga tiriyay wuxu yidhi:


CAKU MUDANAHAYGII MOORYAANTU DHAANTOW
Oday mooryaan ah inu yahay ma nin diidan baa jira? Waa kii dadka isu keeni lahaa oo u tafoxaydan inu kala firdhiyo.
1990kii ayuu Xamar ka soo baxsaday halgan Baligubadlle umuu iman inu fidno ka dhex rido SaNM iyo Isaaq ayuu u yimi. Hadii aan la iska garan oo aan la isu tanaasulin waa la kala tegi lahaa. Waxa la ogolaaday oo si sharkiisa looga badbaado loo ogolaaday in markii ugu horaysay taariikh SNM loo jebiyo Xeerkii Mujaahidka oo ahaa Dastuurkii SNM. Isaga arkayay oo maqlayay dagaalkii afka ee Xeerka aan ixtiraamno iyo dhinicii cadhaysnaa ee tanaasulay oo leh diidnay ayuu caqligiisu siiyay in odhan waayo “waar aniga daraaday SNM u burburi mayso eh xeerkiina raaca”. Aakhirkii waxay noqontay Xeerka SNM waxa ka mudan midnimada SNM. Sidaas ayuu ku helay inu noqdo xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee SN. Saleebaan waa kii maalintaa oo waa kii Shalay. Madaxwaynahana sharaftiisa iyo karaamadiisu kuma jirto habdhaqanka Saleebaan Gaal. Madaxwaynaha waxa ehel u ah ka dadka dhexdooda wanaag ka dhalinaya ee isu keenaya ee heshiisiinaya laakiin ka kala kaxaynaya ee isku diraya ee dhexdooda fidno ka abuuraya sida Saleebaan Gaal ehel uma ah

 

Exit mobile version