Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE iyo weftigii uu hoggaaminayey oo kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Togdheer
Burco:06/06/2024(W,N)-weftigii ka socday hoggaanka xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hawlo shaqo u jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa kulamo muhiim ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida Odayaasha, Dhallinyarada, waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Togdheer.
Sidoo kale, xubnaha weftigu waxa ay kulan gaar ah la qaateen dallada dhallintarada DAMAL BARI oo kamid ah dalladaha ka jira deegaanka.