CEERIGAABO(W,N)-Ciidanka ilaalada xeebaha saldhiga sadexaad Gobolka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay 170 qof oo tahriibyaaal oo isugu jira rag iyo dumar iyo doonidii ay saarnayeen hawlgal ay ciidanka ka sameeyeen dhinaca badda gaar ahaana deegaanka Waqadariya xeebaha bari ee Gobolka Sanaag ayaa lagu soo qabtay.
Saldhiga ciidanka ilaalada xeebaha ee Gobolka sanaag ayaa lagu xidhay doonidan iyo tahriibyaal Ethipian ah oo ku socday dalka Yemen
Ciidanka ayaa waday labadii bilood udanbeeyey hawlgalo lagu sugayo amniga badda iyo la-dagaalanka budhacad badeed , argagixisada iyo kaluumaystada sharci darad ah iyo tahriibka.