HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan axmed nuur guruuje oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay in uu ka taagan yahay golaha deegaanka hargaysa iyo xilka qaadis la doonayo in lagu sameeyay maayarka mooge
Sidoo kale xildhibaan guruuje ayaa sheegay in aan la aqbali karin in xilka laga qaado maayar cabdikariim axmed mooge isagoo taageerayaasha maayarka ugu baaqay in ay iskugu soo baxaan banaan bax lagaga soo horjeedo xilka qaadistiisa.