HARGAYSA(W,N)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka xeerkii Doorashooyinka ku celiyey Golaha Guurtida.
Sidan waxaa dhigaayey heshiiskii dhawaan ay gaadheen labada Golle ee wakiillada iyo guurtida.
Guurtida ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay iyaguna dib ugu soo celin doonan Golaha Wakiilada, si madaxweynaha loogu sii gudbiyo.
Heshiiskii ay wadagaleen Guurtida iyo wakiiladu ayaa waxa uu dhigayay in xeerkan lagu soo afmeero muddo 13 maalmood ah sidaana Madaxweynaha loogu gudbiyo si uu waajibaadkiisa sharciga ah uga guto.