WAJAALE NEWS

Ganacasade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka koonfur afrika

HARAYSA(W,N)-Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dhexe dilay goob ganacsi oo uu kulahaa  magaalada Cape Town.

Koox budhcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee sida weyn looga yaqaanay magaaladaasi.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqaanay Maxamed Adeeroow, kaasoo ahaa nin la dhalinyaro ah oo aad u firfircoona.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in marxuumka uu qorsheynayay inuu dhowaan kusoo laabto dalkiisa hooyo, balse ay kasoo hormaray geeridiisa, kadib dilka loo gaystay.

Kooxda budhcadka ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen tukaanka marxuum Daahir Cali, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta, sida uu sheegay mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaasi.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa dhacdada kadib gaadhay goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baadhitaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Exit mobile version