WAJAALE NEWS

Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika,

Cape-Town(W,N)-Koox budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa ay xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen nin Soomaali ah oo kamid ahaa Ganacsatada ku nool halkaas.

Allaha u naxariistee ninkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan oo ku magac dheeraa Rasta, waxaana lagu dhex toogtay goob Ganacsi oo uu ku lahaa halka loo yaqaano Danoon oo 21-KM u jirta xaafadda Bellville Cape- Town.

Cali Deeq Maxamed oo kamid ah Soomaalida gurmad ahaanta ugu baxday falkaas ayaa xaqiijiyay in Marxuum Maxamuud markii hore loogu dhex galay goobtiisa Ganacsi xilli uu kaligiis ku sugnaa, kadibna dhowr rasaas lagu dhuftay, isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Cali Deeq ayaa sheegay in raggii hubeysnaa ee budhcada ahaa ay dhac baahsan u geysteen tukaanka, isla markaana halkaas isaga tegay, waxaana intaas kadib goobta Ganacsi tegay dad Soomaali ah oo meydka qaaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto dadka Soomaalida ah ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas.

Exit mobile version