WAJAALE NEWS

DAAWO;Dhaqoolku Wax Walba Uu Qaban karaa Marka laga reebo Maqalka Oo kaliya!”Wasiir Xirsi

Disability is not inability “Kala dhinaanshaha jidheed ee qofku Maaha Awood La’aan”

Maanta waxay ahayd maalin dareen badan oo waxaan la noolaa bulshadeena qayb weyn oo kamida. Waxaan la joogay bulsho Alle go’aamiyey in ay inaga inoo noqdaan waano iyo wax ku qaadasho , maxaa yeelay Alle weyne isagoon u waayin ayuu ka qaaday dhagaha ama xubin kale oo kamida dareenada lixda ah!.

Waxaan booqday dugsiga dhagoolayaasha ee ku yaala caasimada Gobolka Awdal ee Borama dugsigaas oo ahaa kii uugu horeeyey ee noociisa ah ee laga hirgaliyo guud ahaanba Somaliland , runtiina wax badan ka qabtay bulshada Alle dhagaha ka qaaday ee u baahnaa waxbarashada .

Waxaan ku wareejiyey 30 laptop oo wax badan ka tari doona kor u qaadida aqoontooda iyo tayeynta cilmiga ay baranayaan maadama aduunku maanta u talaabsaday adeegsida qalabka casriga ah “Technology”

Waan ku faraxsanahay in aan hadyadaas gudoonsiiyo arday qiimo badan oo aan ka arkayey geesinimo, adkaysi iyo Alle ka cabsi isla markaana ku qanacsanaa xukunka Illaahay “Dhago la’aanta”

Illaahay waxaan uuga rajaynayaa in uu waafajiyo in ay Imtixaankaas ku samraan inagana inaga dhigo kuwo ku waano qaata oo dareema nimcada Alle siiyey.

Sidoo kale waxaan maanta qalab isugu jira Mootooyin iyo Baaskiilado gudoonsiinay tiro badan oo kamida guud ahaan intii Curyaamiin ku noolayd Borama, halkaas oo mid walba kala tagay goobta isagoo helay Mooto ama Baaskiilad “Waxaa lagu kala helayey Qori-tuur”

Waxaa hubaal ah in aan jidhka laga laxaad beelin ee qalbiga laga laxaad beelo maxaa yeelay guud ahaan maanta dadkii aan la kulmay ayaad arkaysay iyagoo leh yool fog iyo hami nololeed oo iftiimaya.

Guud ahaan jawiga maanta ee Borama ayaa ahaa mid ku suntan maalinta dadka jilicda-san isla markaana waxaan rajaynaya in ka dawlad ahaan iyo ka shicib ahaanba aynu isku kaashano caawinta iyo u naxariisiga dadka Alle lixaadkooda qayb kamida ka qaaday si Alle inagana inoogu naxariisto.

Faahfaahinta Warkaas fadlan halkan hoose ka booqo:

Exit mobile version