WAJAALE NEWS

“Maraykanku Waa Inuu Somaliland Aqoonsadaa Daqiiqado Gudahood Marka Ay Ictiraafto Itoobiya”Micheal Rubin.

Khabiir Michael Rubin oo ah xeel dheere axadha siyaasadda iyo Ammaanka, ayaa ugu baaqay dalkiisa Maraykanka inuu Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsado  daqiiqado gudahood marka ay Itoobiya shaaciso ictiraafka Somaliland.

Micheal Rubin wuxuu sheegay in Somaliland oo ah dal dimuqraadi ahi uu muddo dheer sugayeen aqoonsi caalami ah.

Wuxuu intaas ku daray in JSL ay gaarkeeda isku xukumaysay in ka badan muddadii ay ka tirsanayd Soomaaliya. Waxa kaloo uu tilmaamay in jiilka u kacay Somaliland ay indhaha ku kala qaadeen oo ay ku kacaameen  dimuqraadiyad taabogal ah iyo suuqa xorta ah.

Mr. Rubin wuxuu ka warramay inay Somaliland martigeliso diblomaasiyiin ka socda  Afrika iyo Yurub, iyadoo Somaliland sannadkii 2020kii ay noqotay dalka kaliya ee labaad ee Afrikaan ah ee ku gacan saydha Shiinaha, isla markaana xidhiidh la yeeshay Taiwan.

Micheal Rubin wuxuu ka warramay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed oo xilli hore oo bishan ah ruxay mandaqada gobolka ka dib, markii uu isfaham  kadin baddeed kiro ah oo ay ka sameystaan saldhig baddeed la galay JSL, kaasi oo Somaliland dhaafsatay aqoonsiga madaxbannaanideeda.

“Dalal badan oo kale ayaa hore u sheegay in aanay noqonayn dalka u horreeya ee aqoonsada  Somaliland, balse aanay ku dhacayn Ka saddexaad ee ay ku xigi doonaan dalka u horreeya ee aqoonsada,” ayuu ku  yidhi Micheal Rubin qoraal dheer oo uu ku daabacay Wargeyska The Washington Examiner.

Waxa kaloo uu baaq u jeediyay Dawladda Maraykanka, waxaannu yidhi “Maraykanku waa inuu aqoonsadaa Somaliland daqiiqado gudahood markay ictiraafto Itoobiya. Haddii Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku ay diyaaradeeda qumaatiga u kaca iyo  Bell Boeing V-22 Ospreys  ay geyso Berbera waxay ciidanka baddu noqon doonaa mid xasiloon oo haysta xoriyad iyadoo diyaaradaha Maraykankuna ay si fudud u roondeyn karaan badda. Waxa diyaaradaha Maraykaku geyn karaan madaarka Berbera shan kun oo askari.”

Mr. Rubin wuxuu sheegay in la joogo xiligii aqalka cad iyo Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku ay sida xalku ku jiro wax ula qabsan lahaayeen Somaliland.

Qore Cumar Maxamed Faarax

Exit mobile version