WAJAALE NEWS

Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac OO Ka Dhacay Xarun Caafimaad Ku Taala Muqdisho –

MUQDISHO(Wajaalenews) ;Hal qof ayaa ku dhintay, sideed qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay gaari ay wateen dhakhaatiirta isbitaalkaas oo yaallay illinka hore ee isbitaalka, waxaana qaraxan uu dhacay xilli ay doonayeen dhakhaatiir ka shaqeeya isbitaalkaas.

Dhakhtarka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray, Mahad C/xafiid iyadoo uu sidoo kale ku dhaawacmay Dr. C/qaadir Xuseen Jimcaale oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgala isbitaalkaas iyo toddoba qof oo kale oo ay ku jiraan dad halkaas u tagay inay ehelladooda oo isbitaalka ku jira ay booqdaan.

Taliyaha saldhigga degmada Kaaraan, Bocor oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in qaraxan uu ahaa mid lagu soo xiray gaariga uuna si lama filaan ah u qarxay ayna baarayaan ciddii ka dambeysay, isagoo xusay inay baaritaanka ku sameeyeen gaariga hay’adda Mine Action ee Qaramada Midoobay hoostagta.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas, waxaase uu ku soo beegmayaa iyadoo hay’adaha amniga dowladda ay sheegeen inay sugayaan ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Kaysaney ayaa ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxan uu noqoayo kii ugu horreeyay oo isbitaalkaas ka dhaca, iyadoo la sheegay in dhakhtarka dhintay uu sidoo kale ahaa macallin wax ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayay dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysaa inta badan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirtan, iyadoo kooxdan ay horay u sheegtay inay beegsan doonto goobaha dowladdu ay leedahay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee qarax loo adeegsado ayay Al-shabaab la beegsatay bishii lasoo dhaafay xarunta baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen 10-ruux oo askar u badan, ayna ku dhaawacmeen soddomeeyo qof oo ay ku jireen afar xildhibaan

Exit mobile version