WAJAALE NEWS

Halista Ku Deyran Meelmarinta Heshiiska Isfaham Ee Somaliland Iyo Itoobiya! Siyaasi Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamid ah siyaasiyiinta Reer Somaliland ee ka foolaada siyaasadaha geeska Africa iyo ta Gudaha Somaliland ayaa ka hadlay halisaha ku Gadaaman Meelmarinta hesiiska Isfaham ee dhawaan madaxwaynaha somaliland la soo sexeexday Raysalwasaaraha Itoobiya iyo arimaha lagaga gudbi karo hadii madaxwayne biixi ku talaabsado in ta aan heshiiskan la horkeeni golaha wakiilada somaliland isagoo Arimahaasi ka Hadlaya Wuxu Yidhi;

“Heshiiska Isfaham ee Somaliland Iyo Itoobiya waxa ku xeeran haliso badan cadowyo badanna wuu leeyahay.

Maanta Somaliland waxaynu og nahay todoba degmo oo Bariga ah maqan yihiin, intii kale ee isku soo hadhay laftoodana  loo bahan yahay in khilaafka doorashada heshiiskii hore looga gaadhay la dhamaystiro. Ka dib Komishanku isugu yeedho dhamaan stakeholaders labada doorasho ee mudaysan in dalka ay isku maalin ka qabsoomaan 13 November 2024. Heshiiskan uu madaxwaynuhu soo galay  inta aanu soo hordhigin Baarlamanka si ay u ansixiyay waa in uu ka hormariyo roadmap-ka doorashada oo ay heshiis ku yihiin dhamaan stakeholders-ka doorashooyinku oo dhamaystiran ilaa taariikhda codbixinta, 13ka November 2024ka, hadii kale uu soo dhigo iyada oo  aan xal loo helin khilaafka doorashada heshiiska isfaham laftiisa ayaa halis ku jira waayo tirada badan ee Wakiilada oo mucaarid ahi way is-hortaagi doonaan heshiiska is-faham wayo khilaafkii doorashadu muu dhamaanin ee waxaba suurogal ah in uu dib usoo cusboonaado hakadna geliyo ictiraafka Somaliland ee wadamada badani u heelan yihiin xiligan. Taasi cidda keliya ee dalka ka badbaadin kartaa waa Madaxwaynaha xilka haya iyo hadba magac-doon iyo manfac-doon ka uu noqdo xiligan oo marxaladii ugu adkayd uu dalku marayo. Markaa maaha madaxwaynuhu in uu fursado siiyo cadawyada badan ka soo horjeeda ictiraafka Somaliland. Sidaa daraadeed waxa la gudboon in uu dadkiisa mideeyo kuna hogaamiyo roadmap-ka dooraahada oo ay isla ogol yihiin dhamaan stakeholders-ka doorashada oo ku sargo’an taariikhda lagu heshiiyay ee 13November. Waa hadii uu magac-doon yahaye.

W/Q; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)-

Exit mobile version