WAJAALE NEWS

Maxaa Ka Jira In Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Aanu Ka Qaybgalaynin Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Bari Ah Ka Furmaya Magaalada Burco?

HARGAYSA(W,N)-Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici ayaa la sheegay in aanu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee xisbigiisa kulmiye oo maalinta bari ah ka furmaya magaalada burco, isagoo ilaa hada ku sugan caasimada hargaysa, halka madaxwayne biixi iyo badi golaha wasiirada xukuumadiisu ay gaadhay magaalada burco.

Wararka laga helayo sobobta uu uga baaqday madaxwayne kuxigeenka Somaliland saylici oo kamid ah xubnihii aas aasay xisbiga kulmiye islamarkaana laba teeramba loogu doortay in uu noqdo madaxwayne kuxigeenka jsl ayaa sheegay in ay salka ku hayo khilaaf culus oo mudooyinkii udanbeeyay soo kala dhexgalay madaxwayne biixi kaasi keenay hada in  cabdiraxmaan saylici ka baaqsado shirka xisbigiisu ku dooranaya  hogaanka xisbiga iyo musharaxixiinta utartamaya madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenka Somaliland ee doorashooyinka soo socda.

Dhanka kale wararka laga helayo  baaqashada madaxwayne kuxigeenka ee shirka xisbiga kulmiye ayaa intaa ku daraya in khilaafka labada masuul ee dalka usareeya oo maraya heer aanay wax wada shaqayn ahi dhexmarin, islamarkaana aanay jirin cid dhexdhexaadin ka gashay arimaha ay isku hayaan ayaa lagu micneeyay in ay baaqshadiisa sobobtay

Madaxwayne kuxigeenka Somaliland cabdiraxmaan saylici oo laba madaxwayne oo xisbiga kulmiye kazoo baxay madaxwayne kuxigeen usoo noqday ayaa khilaafka udhexeeyaa uu kusoo beegmayaa xili xaalada dalku meel xasaasiya marayso islamarkaana uu  khilaaf siyaasadeed oo udhexeeya mucaaridka Somaliland iyo madaxwayne biixi kaasi oo salka ku haya muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka, isagoo sobobay in markii uhoraysay gudaha Somaliland ay ka dilaacaan jabhado kazoo horjeeda hanaanka hogaamineed ee madaxwayne biixi kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay keenaan kala qaybsanaan bulshada Somaliland horseeda, halka uu khilaafka madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenkuna saamayn ku keeni karo xaalada dalka oo markii horeba murugsanayd madaamada uu Isfahan la,aanta iyo wada shaqaynta labada masuul ee dalka ugu sareeyayba uu khilaaf udhexeeya.

Majiro wax war oo rasmi ah  kazoo baxay dhinaca madaxwayne kuxigeenka iyo dhinaca xisbiga toona wallow uu saacadihii udanbeeyay soo ifbaxeen wararka sheegaya in madaxwayne kuxigeenku aanu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee maalinta bari furmaya

Wixii kazoo kordha kala soco wararkeena danbe

 

Exit mobile version