WAJAALE NEWS

DAAWO; Dadwaynaha Gobolka Gabiley Oo Soodhawayn Balaadhan Ku Qaabilay Waftiga Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Iyo Weedhihii Madasha .

DAAWO; Dadwaynaha Gobolka Gabiley Oo Soodhawayn Balaadhan Ku Qaabilay Waftiga Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Iyo Weedhihii Madasha .

GABILEY(Wajaalenews) Xoogaga taageerayaasha dabeylaha isbedel-doonka ah ee shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Gabiley oo maanta aan madax iyo minjo toona aan u kala hadhin soo dhaweynta weftiga SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si ballaadhan oo ay ka muuqatay hilowga ay u qabaan isbedel bulsheed oo ka hana-qaada isla mar ahaantaana ay ku muujinayaan in ay hormuud ka yihiin, looggu soo dhaweeyey magaalooyinka Arabsiyo, Gabiley, Kala-Baydh iyo Wajaale.

 

Weftigan oo guddoomiye Cirro, ay ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, Taliye Jidhif, Axmed X.Cabdillaahi Xamare, Aadan Ruush, xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI iyo  madax kale oo aad u tira badan, ayaa shacabka reer Gabiley waxa ay ku maamuuseen kuna soo dhaweeyeen roogga cas ee astaanta u ah xurmaynta iyo sharfidda madaxda caalamka oo idil, iyaga oo sida oo kalena ku dhawaaqayey erayo tolmoon oo muujinaaya sida ay uga go’an tahay in ay rumeeyaan rejadooda isbedel isla mar ahaantaana aanay muddo dheer oo dambe ku sii lumin karin xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Exit mobile version