HARGAYSA(W,N)-Maxakamadda gobalka Maroodijeex ayaa maanta la horkeenay Wariye Bishaaro Baande waxaana si rasmi ah loo gudo galay garmaqalka eedaha loo haysto oo ay kamid tahay kicin dadweyne.
Fadhiga maanta waxaa ka qeyb gashay Lizzia Walker Wakiilka Dawladda Boqorada Ingiriiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Qareenada Bishaaro Baande ayaa codsaday in aan dacwadeeda lala sugin wariyaal maqan oo lahaysto eedo isku mid ah.