WAJAALE NEWS

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale!

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahin Axmed ayaa maanta xafiiskiisa shahaado sharaf ku gudoonsiiyay Qoraa/Muj Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Qoray Bugaag Dhaxalgal ah oo uu kaga hadlayo  halgankii Snm ku xoraysay somaliland kuwaasi oo la dhigay Libareeriyada Caalamka.

Dhanka kale Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ayaa wasiirka arimaha Gudaha Uga Mahad celiyay shahaado sharafta uu ku maamuusay isagoo ka hadlay qiimaha uu shacabka Somaliland uleeyahay halgankii dalka Somaliland lagaga xoreeyay taliskii mucaganga ahaa ee Siyaad Bare.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version