WAJAALE NEWS

Prof Ibrahim Meecaad Oo Ku Biiraya Xisbiga Wadani Iyo Saamaynta Siyaasadeed Ee Uu ku leeyahay Gobolada M, jeex Iyo Gabiley ?

Hargeysa(W,N)-Prof Ibrahim Maxamed Meecaad (king-Chorch)oo kamid ahaa aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye Xiligii uu Mucaaridka ahaa kana mid ahaa Aqoonyahankii Seeska u dhigay Ururkii Dhaqdhaqaaqa SNM  ayaa, lafilayaa in uu maalinta bariya si rasmi ah u go.aansadey in uu Ka mid noqonayo xubno siyaasiyiin ah oo  ku biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.

Pro Meecaad oo  mudo badan kamid ahaa xisbiga kulmiye kana mid ahaa ragii utartamay gudoomiye kuxigeenka xisbiga Kulmiye 2008 ayaa Go.aankan qaatey kadib Markii uu ka quustey Xisbi Xaakimka Kulmiye islamarkaana,rajo la.aan ka istaagey nidaamka Maamulka Kulmiye oo aragti ahaan aan ku dhisneyn Cadaalad iyo Maamul Wanaagsan  taasi oo xiligan keentay ku Biirista Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.

Pro Meecaad oo hore uga mid ahaa Xubnaha Aqoonyahanka ah  ragga ugu mudakarsan Xisbi Xaakimka Kulmiye kana soo jeeday Gobolada Gabiley iyo maroodi jeex  ayaa saamayn balaadhan  ku yeelaneya Taageerada Xisbiga Kulmiye ee Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kamid ah.

Dhanka prof meecaad ayaa kamid ah dadka aan isbabdalka badan lagu aqoon iyo in uu kolba xisbi uguuro halka uu dhinaca qurbaha iyo aqoonyahan reer somaliand uu saamayn siyaasadeed ku leeyahay

Sikastaba ha ahaatee xisbi xaakimka kulmiye ayaa xiligan u muuqda mid ay  siyaasiyiinta aqoonyahan iyo waxgaradka Somaliland iyo beesha uu kasoo jeeda murashaxa kulmiye xoog uga hayaamayaan iyadoo ay fure unoqdeen bulshada kale ee Somaliland oo xiligan u ooman isabadal siyaasadeed,

Exit mobile version