WAJAALE NEWS

Midowga Yurub Oo Somaliya Ugu Deeqay €72 Milyan Oo Wax Loogu Qabanayo Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen

YURUB(W,N)-Midowga Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay inuu bixin doono ilaa €72 milyan oo gargaar bini’aadannimo ah oo loogu talo galay ka jawaabidda abaaraha ka jira Soomaaliya.

Gargaarkan ayaa ugu horrayn lagu beegsanayaa haqab-beelka cuntada, wax ka qabashada baahiyaha barakacayaasha iyo qaxootiga, u diyaargarowga musiibooyinka, iyo waxbarashada xaaladaha degdegga ah.

Taageeradan ayaa qeyb ka ah €331 million oo Yuuro ah oo Midowga Yurub uu u qoondeeyay dalalka Ethiopia, Kenya, Jabuti, Soomaaliya, Uganda, Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Waddamadan ayaa wajahaya dhibaatooyin bini’aadantinimo oo badan, iyadoo in ka badan 50 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

“Baahiyaha bini’aadinimo ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid ee dalalka qaar, iyadoo xaaladda Soomaaliya ay aad u liidato. Abaarta Geeska Afrika ka jirta Ethiopia, South Sudan iyo Sudan oo ay weheliso cawaaqib xumadii ka dhalatay dagaalkii gardarada ahaa ee Ruushku ku qaaday dalka Ukrain, waxa ka dhashay cunto yari aan hore loo arag, colaadaha iyo is-beddelka cimiladu waxay sii wadaan inay sababaan barakac gudaha ah. iyo qulqulka qaxoontiga xudduudaha ka gudba. Jawaabteenu kuma koobna maalgelinta– 2022, tusaale ahaan, waxaan qabanqaabinay duullimaadyo xiriir ah oo Bini’aadantinimo kuwaas oo gargaar nafo lagu badbaadinayo gaarsiinay meelaha ay adagtahay in la gaaro ee Soomaaliya, waan sii wadi doonnaa shaqada. anagoo kaashanayna saaxiibadeena bini’aadantinimo ee goobta jooga, si aan gargaarka u gaarsiino kuwa aadka ugu baahan.” ayuu yiri Janez Lenarčič, oo ah Guddoomiyaha Maareynta Xasaradaha.

Sidan hoose ayuu Midowga Yurub dhaqaalaha ugu qoondeeyay dalalka geeska Afrika.

Jabuuti (€500,000)

Itoobiya (€60.5 milyan)

Kenya (€12.5 milyan)

Soomaaliya (€72 milyan)

South Sudan (€82 milyan)

Suudaan (€73 milyan)

Uganda (€30 milyan).

Exit mobile version