WAJAALE NEWS

Maayirka Caasimadda Hargeysa Oo dhagax dhigay waddo laami ah iskuna xidhi doonta xaafadda Shacabka iyo Xero awr

HARGEISA(WAJAALENEWS);Maayirka Caasimadda Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhi doonta xaafadda Shacabka iyo Xero awr, wadadaas oo kharashkeedda inta badan ay  bixinayaan shacabka ku dhaqan xaafadaasi.

 

Munaasibad Dhagax dhigga wadadan oo lagu qabtay xaafadda Shacabka, ayaa waxa ka soo qaybgallay xildhibaano iyo guddida is xilqaantay ee wadadaasi.

Ugu horeyn gudoomiyaha guddida degmadda Koodbuur Jaamac Cali Cilmi ayaa sheegay in wadadani noqonayso hal killomitir iyo boqol mitir  taas oo isku xidhi doonta Hoteel Guuleed iyo laamiga xaafadda Xero awr, waxana ka mid ahaa hadalkiisa.

 Gudoomiye ku xigeenka guddida dhulka XIldhibaan Cabdilaahi Aw Adan ayaa isna dadweynah ugu baaqay inay ku daydaan xaafadan bixisay kharashkii ugu badnaa ee lagu dhisi lahaa wadadan cusub, waxaanu yidhi “waxaan leeyahay ka faa’iidaysta dadka reer Hargeysa ee arintan maqlaya, cidii wax qabanaysa ayaa wax loogu daraa, haddii aanu dawladdii hoose nahay cidii wax qabsanaysa ayaanu anagu wax la qabanynaa waa dadkii na soo doortay diyaar baanu ula nahay, guddidan iyaga noo soo yeedhay oo muddo dheer ayey wadeen waxaan leeyahay xaafadaha kale ku dayda guddidaasi”.

Maayirka Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Soltelko, ayaa sheegay in xaafadan lacagtii ugu badnayd ee ku bixi lahayd laamidan iska soo ururisya, isla markaana ay lacag kooban kaga qaybgalayaan, maadaama oo ay iyagu culayska saareen wadooyinka halbowlaha u ah caasimadda, waxaanu yidhi“ guddida is xilqaantay ee wadadan waddo, xildhibaandda, saaxafad iyo dadweynaha kalaba waan idin salamayaa, runtii maalintii dhowayd ee aan masaajidka idinku imid qiiro ayaa I gashay waayo awal wadooyinka xaafadaha 60% dawaldda hoose ayaa bixin jirtay, 40% dadka bixin jiray, imka waad ogtihiin horumarka balaadhn ee caasimada lagu waddo, waxaad ogtihiin in wadooyinka badhtmaha magaaladda culayska kowaad saarnay, taasina waxya nagu kaliftay dhaqaalayahaga oo kooban wxii aanu hayno wadooyinkaasi quruxda caasimada ah ku bixino, taasina waxay keentay in wadooyinkii xaafadaha aanan 60% ka bixin Karin, markii aan halkaasi idinku imid (xaafadda Jigjigayar) ee aad tidhaahdeen 75% ayaanu haysanaa lacagtii ku bixi lahayd, aad bay ii qiiro galisay oo aan ugu farxay, lacagta iska ururiseen la qarin Kari maayo, dadweynuhuna waa inuu ogaadaa in kharashak ku baxaya intii ugu badnayd aad bixiseen, dadku hadhow waxay odhyanyaan maxa halkaasna looga joojiyey halkaasna loogu ogolaaday, xaqiiqadu waxay tahay in 75% bixiyeen xaafadani, wadadan lixdan kun ayaa lagu qiyaasay kharashka ku baxaya, lixdankii kun marka aad tidhaahdeen shan iyo afartan kun gacanta ayaanu ku haynaa, anaguna waxaanu idin balanqaadaynaa, in maalinta isliinta ah ee soo socota in shan iyo tobanka kun ee dollar gacantiina ku ridno oo aanu kaga qaybgali doonno wadadan,runtii waa qaadhaankii ugu yaraa ee aanu waddo ah ee kaga qaybgallno, waxa iyaguna jira saddex wado oo ay dadku iska soo ururiyeen, waxa kamid ah wadada koonfureed ee hoteel Ambasdoor, kuwaas oo iyaguna lacag fiican kaga qaybqaatay oo gaadiidka cumar Caydiid uu ciidda keenay, waxaan leeyahay cidii sidan oo kale kharashka int badan bixinaysa waanu taageeraynaa oo qalab iyo waxay u baahdanba waanu ku taageeraynaa oo wadooyinkii xaafadaha ka hadhi mayno, waxa kale oo fariin u diriyaa dadweynaha xaafadan ee aan wali waxba ku darsan waxaan leeyahay qayrkii ka hadhe lama noqdee  ku darsaddo oo waxa lacag ku darsaday dad aan wadda u dhoweyn halka kuwii ay agmaraysay aanay waxba ku darsan”.

Dhinaca kale, Maayirku waxa uu ka hadlay olole nadaafadeed oo ay degmooyinka ka bilaabeen, kuwaas oo qashinka lagagaga uruinayey, waxaanu dadweynaha usoo jeediyey inay ololahaasi kala qaybqaataan, waxaanu yidhi “waxaanu bilownay olole nadafadeed oo maalinba degmo galayno waa bilaabmay roobkii waxaan leeyahay dadweynaha khashinka ka daaya biyo mareenadda, gawaadhida khashinka saara, haddii roobku inooga yimaado waa halis caafimaad qof wallow gurigaaga iyo ciyaalkaaga si aad u badbaadin lahayd ka ilaaliya qashinka biyo mareenada dhigaysa”

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version