CAYNABA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Abdiqani Mohamoud Caateeye War cusub la xidhiidha Weeraro lags imanaya Somaliya Ku baahiyay twitter kiisa qoraalkan:
“Dawladda Somaliland waxa ay doonaysaa in ay caalamka ku war galiso in qarankeeda uu wakhtigan wajaho weeraro kaga socdo dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya. Ciidamada Soomaaliya & kuwa Puntland ee Soomaaliya, ayaa isku uruursaday xuduudka si ay duulaan u soo qaadaan. Nasiib darro, ma hayno doorasho kale oo aan ahayn inaan difaacno dalkayaga”