HARGAYSA(W,N)-Shirkada Dahabshiil Group ayaa siwayn uga dhex muuqatay bandhiga rugta ganacsiga Somaliland ee 10aad kaasi oo ay bulshada ugu bushaaraysay adeegyo badan oo qiimo dhimis loogu sameeyo iyo kuwo bilaash looga dhigay inta ay socoto carawadu.
Madaxda xidhiidhka bulshada ee shirkada Dahabshiil sacad Muuse ayaa sharaxaad ka biixyay waxyaabaha ay kusoo bandigeen carwada iyo qiimo dhimista ay usameeyeen macaamiishooda.