WAJAALE NEWS

Wararkii Ugu Danbeeyay Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliland Iyo Dhex Dhexaadin Laga Dhex Waday Madaxwayne Biixi Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Fashilmay!

Xisbiyada Mucaaridka Oo Maalinta Bari Ah Lafilayo In Ay Warbaahinta La Hadlaan Iyo Qodobada Lagu Wado In Ay Ku Dhawaaqaan.!

HARGAYSA(W,N)-Khilaafka siyaasadeed ee ka tagaan arimaha Doorashooyinka Somaliland ayaa cir isku sii shareeray kadib Markii xisbiyada mucaaridku Diideen mudo kordhin loo Sameeyay xukuumada maaxwayne biixi iyagoo sheegay in Aanay aqoonsanayn xukuumada madaxwayne biixi  wixii ka danbeeyay 13november oo caawa ku beegan.

Sidoo kale siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ilaa xalay isku xilqaamay sidii ay kulan iskugu keeni lahaayeen madaxwayne biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaridka ee waddani iyo Ucid ayaa natiijo la,aan ay kusoo dhamaaday kadib sida wararka aanu ka helaynaa tibaaxeen dhexdhexaadintaa iyo kulan ay iskugu yimaadaan maalinta bari ah uu ku gacan saydhay madaxwaynaha jsl muuse biixi.

Dhanka kale xisbiyada mucaaridka ayaa la filayaa In ay maalinta bari ah la hadli doonaan warbaahinta iyagoo taageerayaashooda usheegi doono mawqifka go,aanka ay ka qaadanayaan xukuumada madaxwayne biixi oo isagu  ku Andacoonaya in doorashada ururadu kazoo horayso ta madaxtooyada halka ay  xisbiyada mucaaridku dalbanayaan in madaxwaynuhu doorashada madaxtooyada  ku qabto 9bilood ee ay  cayimeen komishanka doorashooyinku taasi oo ah ubucda ismarin waaga labada dhinac

Wararka kale ee aanu ka helayno xisbiyada mucaaridka ayaa sheegaya in ay ku dhawaaqi doonaan qodobo xasaasiya oo la xidhiidhka mawqifka ay ka qaadanayaan xukuumada madaxwayne biixi ee mudo xileedkii la doortay ee sharciga ahaa ku eegyahay 13november oo ku beegan maalinta bari.

Qodobada laga filayo xisbiyada mucaaridka ah ayaa sida xogaha aanu ka helay tibaaxayaan ayaa waxa kamid ah

1;In Aanay Aqoonsanayn Xukuumada Madaxwayne biixi wixii ka danbeeyay maalinta bari.

2; In deegaanada laga taageero xisbiyada mucaaridku aanay gabi ahaanba bixin wax cashuur ah ilaa inta la helayo xukuumada bulshada udhex ah.

Waxaa laga war sudi doonaa maalinta bari iyo hadalka hogaanka xisbiyada mucaaridka ujeediyaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan taageerayaashooda.

Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka jira iyo ismarin waaga xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa keenay in shacabka reer Somaliland ay soo foodsaarto cabsi faro badani iyagoo wadanaha farta ku haya

Dhanka kale haayadaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland gaar ahaan kuwo UNta ayaa maalinta bari ah shaqaalahooga ku wargaliyay in aanay shaqo tagin islamarkaana ay muujiyaan taxadir dhinaca abnigooga ah

Wixii kazoo kordha xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE.

 

 

Exit mobile version