WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha UCID Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Khilaafka KULMIYE

HARGEISA(Wajaalenews);Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Dalka Dib ugu soo laabtay,ka dib markii uu soo dhamaystay Socdaal uu ku tagay Wadamada Yurub.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa u ka hadlay Xaalada Guud ee uu dalka Marayo iyo Khilaafka Xisbiga KULMIYE.

“Waxa maanta Somaliland isku bahaystay Cududo doonaya in ay baabiiyaan qaranka,Gobolo aynu leenahay ayaa la sheeganayaa waxa inagu socota Dagaal Weyn,oo gacamo shisheeyana Adeegsanaya waa taa maanta keentay in la yidhaa Shiidaalkiinii ma qodon kartaan,taasna waxa keentay inta aynu anigu isku jeedno “ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlaya Khilaafka KULMIYE ayaa yidhi “KULMIYE waxa uu soo Arkay waayo Arragnimo badan,waanu is qaban karaa Xisbigu waxaana la isku qabsan karaa Awood,laakiinse waxa ceeb ah dadkan qabiilka u hadlaya iskuma hayaan talo laakin waxay isku hayaan Awood dhexdooda ah, waxaan soo jeedinayaa in dadka qabiilka laga daayo reer hebel iyo qarana isma qabto,sidoo kale waxa aad u fool xun Ciidanka RRU-da ee dadka u dhacaya waa wixii aynu ka dagaalanay dawlada Axmed Siilanaya Sharaf daro ayay u keenaysaa,qolada SHAANIDA qarxinaysanaa,waxay ceeb ku yihiin Sharafta Somaliland”

“Waxaanu ku baaqaynaa in si dhakhso ah la isugu yimaado Shirkii aanu ku baaqnay ee Talo-Qaran,waxaana muuqata immika in Wax weyni inaga qaldan yahay maalinba maalinta ka danbaysa hoosbaynu u sii soconaa,Shacabka Reer Somaliland waa dad muddo badan dhib soo maray waana dad dulqaad badan leh ,waxa ayaan Darro ah in Sidii Dawladii Maxamed Siyaad Bare xaafadaha loo soo dhaco”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version