JABUUTI(W,N)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Hilaac Prof Ahmed Ismaaciil Samater ayaa shalay galinkii danbe safar ugu Kicitimay dalka jabuuti halkaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.
Waxaana goroonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti, ku Qaabilay Wasiirka Biyaha, Beeraha iyo kalluumaysiga Jabuuti Agaasimaha guud ee sadaasha hawada Mohamed Ismaaciil Nuur, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Jabuuti, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed.
Prof Ahmed Ismaaciil Samatar oo ugu horayn halkaasi ka hadlay Ayaa madaxda uga mahad-celiyay soo dhawaynta balaadhan ee lagu qaabiley, isagoo sidoo kale uga war-bixiyay in ujeedada safarkiisa oo la xidhiidha dar-der-galinta hawlaha shaqo ee horyaala urur siyaasadeedka Hilaac oo kasoo gudbay wareegii koowaad ee tartarkii ururada Somaliland, waxuuna xusay inuu dhawr maalmood la joogi doono madaxda jabuuti, islamarkaana uu la qaadan doono kulamo.
Ugu denbaytii Wasiirka Biyaha, Beeraha Maxamed Axmed Cawaale, Xildhibaan Saleebaan Dahir Bileh, Xildhibaan Shurki Cali Caynaan iyo Xil.Maxamed Ismaaciil Yuusuf oo ka Tirsan Baarlamaanka Jabuuti ayaa iyaguna balan-qaaday inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan, islamarkaana ay garab kusiin Doonaan hawlaha Ururka Hilaac ee uu u yimid Prof. Samatar Dalkaasi Jabuuti.