GABILEY(W,N)-Maamulka goboka gabiley ayaa maanta xabsiga utaxaabay wariyihii tvga horn cable ee gobolka gabiley, masuul katirsan xisbiga waddani iyo laba dhalinayaro oo kale.
Xadhiga dhalinyarada iskugu jira masuuliyiinta xisbiga waddani, suxufi farxaan cabdi awciise iyo labada dhalinyarada ah ayaa gabi ahaanba loo marin sifo sharci iyadoo laga dhex qab qabtay magaalada gabiley.
Amarka lagu xidhay dhalinyarada ayaa la sheegay in uu bixiyay badhasaabka gobolka gabiley iyadoo aanay jirin sobobta loo xidhay.
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa canbaareeyay xadhiga lagula kacay wariye farxaan cabdi awciisa iyagoo xukuumada ugu baaqay in ay deg deg xoriyadiisa ugu soo celiso
Dhanka kale xisbiga waddani ayaa sharci daro ku tilmaamay falka xukuumadu ku xidhan gudoomiye kuxigeenka dhalinyarada buuni cabdi abiib oo isagu laba cisho ka hor ka hadlay arimo la xidhiidha xeerka caasimada iyo saamaynta gobolnimada gabiley.