WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Badheedhay Raali-gelinta Wasiirada Beeshiisa Iyo Ammar Ku Taaglaynta Maxamuud Xaashi!!

Hargaysa(W,n):-Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa taariikhda u galaysa inaanay isku Shaandheyntii ugu dambayay ee lagu sameeyo golaha Xukuumaddiisa, aannu taaban Wasiirrada ka soo jeedda beeshiisa ee kala ah Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Cabdi Guray, Wasiirka Hawlaha guud iyo guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal iyo Wiilka uu Soddoga u yahay ee Baashe Moorgan oo ah Wakiilka somaliland u fadhiya dalka isu-tagga imaarraadka Carabta, kuwaasoo aannay qaarkood ilaa markii la Magacaabay mar qudha ka deggin Xilalka Wasiirnimo ee ay hayaan.

Waxyaabaha isku Shaandhayntan sida wayn looga dhex-arkaayay waxay ahayd Xilka qaadistii Marreeyaha Dekedda Berbera Eng.

Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo sidii qorshihiisu ahaa ay wax u dhaceen, maaddaama uu ka goys adaygay inuu saxeexo Wareejitna Dekedda Berbera, isagoo ku adkaystay in Xilka qaaddistiisu ay dabka u shiddayso aragtida Beeshiisu ka soo horjeedo qorshaha Wareejinta Dekedda Berbera, taasoo marka dhab loo eeggo samcad wayn u kordhinaysa Eng. Cali Xoor-xoor.

Sidoo kale, waxa isku shaandhayntan ka dhex muuqda oo la soo qaaddan karraa Khilaafkii toddobaadyaddii la soo dhaafay u dhaxeeyay Wasiirrada Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde iyo Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, taasoo keentay in Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku faano awoodda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaanna uu go’aamiyo in Cali Maxamed Warancadde uu waayo Kursiga Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, iyaddoo taasina ay daaha ka rogayso qaabka beelaysan ee Madaxweyne Siilaanyo uu  Awoodda dheeriga ah u siiyay xubnaha Wasiiradda ah ee ay isku beesha yihiin, kuwaasoo had iyo goorraale iska saraysiiya Wasiirrada kale ee ay siman yihiin, waxaannay taasi u goysaa Ixtirraam gaara iyo inay darreemaan awooddaha sharci-darada ah ee ay isticmaallaan iyo inay mar walba ka hadhaan isku shaandhaynta uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyo Xukuumaddiisa.

Maaha markii ugu horraysay ee la arko Wasiir ka tirsan Xubnaha Wasiirrada ay isku beesha ka soo jeeddaan Madaxweyne Siilaanyo oo ku ammar ku taaglaynnaaya awooddaha sharci-darada ah ee uu siiyay Madaxweyne Siilaanyo, iyaddoo Wasiirradaasi ay xilka qaadis ku samaynayaan Wasiirro ay isku darajo yihiin oo khilaaf soo dhex-galay, waxaanna marar badan soo if-baxday oo weliba si aan gabasho lahayn Warbaahinta looga sii daayay Xubno laga qaadday Xilalkii Wasiirnimo ee ay ka hayeen Xukuumadda Siilaanyo, oo kadib Munaasibaddihii xil wareejintooda ka dhawaajiyay meelaha laga qaniinay iyo cidda dhab ahaan uga dambaysay Xilka qaadistoodda.

Exit mobile version