WAJAALE NEWS

Maxaa Sababay Ina Madaxweyne Siilanyo Wasiirada Beeshiisa Isku Shaandhayntii Shanaad Ka Reebo Iyo Dareenada Ku Xeeran?

Hargeisa(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Tan Iyo Maalintii Uu Xilka Qabtey Waxa Uu Xukuumadiisa Ku Sameeyey Isku Shaandhayno Mudo Shanjeer Ah Taasi Oo Aan Lagu Dhex Arag Wasiirada Beeshiis Ka Soo Jeeda Oo Midwalba Xilkii Ugu Horeeyey Ee Loo Magacaabay Uu Hayo, Hada Dadweynaha Ku Dhaqan Gobolada Kala Duwan Ee Somaliland Ayaa Arintani U Arag Hab Cadaalada. Wasiiradani Oo Kala Ah

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi X.Xaaji Cali Xasam, Wasiirka Duulista Iyo Hawada Maxamuud xaashi Cabdi. Wasiirka Madacanta Xuseen Cabdi Ducaale Isla Markaan Dadweynuhu Ay U Yaqaanaan Wasiirada Boqortooyada. Hadaba Su,Aash Isweydiinta Leh Ayaa Ah Waa Maxay Sababta Madaxweyne Siilanyo Wasiirada Beeshiisa U Hawrtaa? Wasiiradani Ayaa Waxay Dhamaantood Jooga Wasaarado Leh  Dhaqaale  Xoogbadan Oo Aaney Cilda Ka Xisaabin, Sida Wasiirka Macdanta Oo Heshiisyo Calamiya Gala Golaha Wakiiladana Aan Wali Waxba Horgeyna Malaayiin Doollarna Ka Qaada Shirkadaha Macdanta Iyo Shidala Baadhista Ka Wada Dalka. Sidoo Kale Wasiirka Duulista Ayaa Lacag Kala Duwan Ka Qaada Dadka Ka Dhoofaya Garoomada Dalka Lacagtaasi Oo Uu Markuu Doono Kordhiyo Kuana Dhacda Qasnada Wasaarada Walina Aan Baarlamaanka La Horgeyna Lana Ansixin Iyo Waliba Dhisinada Garoomada Dalka Oo Wadamada Carabtu Malaayiin Doollar Ku Bixiyaan Dib U Dhiska Taasi Oo Ay Lacago Badan Kasoo Hadhaan

Exit mobile version