Stockholm, (Wajaalenews)- Wadanka Falastiin ayaa safaaradii u horeysay ay ku yeeshaan dalalka reer Galbeedka shalay kaga furtay dalka Sweden oo dhawaan shaaciye inay Aqoonsadeen Qaranimada Falastiin.
Munaasibad furitaanka Safaaradda loogu qabtay magaalada Stockholom ee dalkaas, waxa ka qayb-galay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas iyo Raysalwasaaraha Sweden Steven Lofven.
Madaxweyne Cabbaas oo ka hadley xafladda furitaanka ayaa sheegay in aqoonsiga Sweden siisey hore u sii dhaqaajinayo geeddi-socodka iyo wada-xaajoodkii u socday.
Dhinaca kale, Raysalwasaaraha dalka Sweden oo xafladda ka hadlay, ayaa ku yaboohay taageero balaadhan oo dalkiisu siinaayo Falastiin, balse waxa uu shuruud uga dhigay isbeddel lagu sameeyo nidaamka dawladeed ee dalkaas.
“Waxaa jira caqabado badan, waa muhiim in aan idinka taageerno midkasta sida la dagaalanka musuq-maasuqa, kor u qaadidada sinaanta jinsiga, dhawrida xuquuqda aadanaha iyo in la dhiso hay’adahii dawliga ahaam” Sidaa waxa yidhi Raysalwasare Lofven oo xafladda ka hadlayey.
Ballan-qaadka dawladda Sweden oo lagu sii xoojiyey heshiis labada dhinac kala saxeexdeen, ayaa ayaa gaadhaya 1.5 Bilyan oo lacagta Sweden ah una dhiganta 180 milyan oo dollarka Maraykanka ah shanta sannadood ee soo socota.
Dalka Sweden, ayaa bishii tobnaad ee sannadkii hore si rasmi ah u aqoonsadey dalka Falastiin, waxaana ay noqdeen dalkii u horeeyey ee ka tirsan Midowga Yurub oo Falastiin u aqoonsada dal madaxbanaan.
Aqoosniga Sweden ee Falastiin ayaa xumeeyey xidhiidhka ay la wadaageen dalka Israa’iil, taas oo sababtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallstrom ay baajisey booqasho ay ku tegi lahayd Israel bishii hore kadib markii Wasiirka Arrimaha dibadda ee Israel Avigdor Lieberman sheegey in aanay soo dhaweyneyn ee ay booqasho caadi ah ku iman karto