WAJAALE NEWS

Jabhada TPLF Oo Oggolaatey In Midowga Afrika Uu Dhexdhexaadiyo Wada Hadallada Udhaxaynaya Iyo Dowladda Itoobiya.

MAQALE(W,N)-Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya, ayaa oggolaatey in Midowga Afrika ay gadh wadeen ka noqdaan wada hadalada u dhaxayn doona iyaga iyo dowladda Itoobiya.

TPLF horey waxay ugu gacan saydhay wada hadallo kasta oo ay ku jiraan Midiwga Afrika, iyagoo xilligaa rabay in wada hadallada ay qayb ka noqdo dalka Kenya.

Balse TPLF waxay dhex dhexaadinta Midowga Afrika ku dareen kuwo heer caalami ah oo qayb ka noqda wada hadallada la rajaynayo inay dhex maraan TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale TPLF waxay iskeed u sheegtay in xabbad joojin ay samaynayaan ku qotonta munaasabadda sannadka cusub ee Itoobiya oo shalay ilaa maanta laga xusayo guud ahaan dalka Itoobiya.

Dalka Eritariya Ciidamadiisa oo qayb ka ah dagaalka ka soconaya dalka Itoobiya, ayaa kamid ah waxyaabaha ay inta badan ka cabanayaan kooxda TPLF, maadaama deris ay yihiin gobolka Tigray iyo dalka Eritariya isla markaana TPLF ay aaminsan yihiin in dhul Tigray leedahay ay haystaan Eritariya.

 

 

Exit mobile version