WAJAALE NEWS

Tplf Oo Sheegtay In Ciidamada Eritariya Iyo Kuwa Itoobiya Weerar Kusoo Qaadeen Gobolka Tigrey.

MAQALE(W,N)-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya uu sii xoogaystay, kaddib markii sida la sheegay ay dagaalka kusoo biireen Ciidamada Eritariya oo garab siinaya kuwa Itoobiya.

Sida uu sheegay Afhayeenka TPLF Getachow Reda, Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritariya ayaa si wada jir ah waxay weeraro kusoo qaadeen gobolka Tigray, iyagoo bartilmaameedsanaya kooxda TPLF.

Dowladda Itoobiya wali kamaysan hadlin dagaalka maanta, sidoo kale dowladda Eritariya kamaysan hadlin ka qayb ahaanshiyaheeda dagaalka lagula jiro kooxda TPLF ee ka socda gobolka Tigray.

Maalin ka hor dowladda Itoobiya waxay TPLF ku eedeysay inay iyadu dagaalka ballaarinayso kuna fidinayso goobo cusub oo dhinaca xadka Sudan ah, eedayntaas kamaysan jawaabin TPLF.

Waa markii labaad ee Eritariya lagu eedeeyo inay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro TPLF, hadda ka hor wakhtigii dagaalkii hore ee dowladda Itoobiya iyo TPLF uu socday ayaa sidan oo kale Eritariya lagu eedeeyay inay ka qayb qaadatay dagaalka, inkastoo wakhtigaa ay Eritariya beenisay warkaas.

Labada dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyo ee Itoobiya iyo TPLF ayaa midba ka kale ku riixaya inuu isagu ku tuntay wada hadalkii iyo xabad joojintii lagu ballansanaa, iyadoo dowladda Itoobiya ay mar walba sheegto in wada hadal lagu dhammayn karo colaaddan, balse xabad aan waxba lagu xallin karin.

Exit mobile version