WAJAALE NEWS

Dawlada Itoobiya Oo Duqaymo Cusub ka Fulisay Magaalo Madaxda Gobolka Tigrey Ee Maqale

MAQALE(W,N)-Dagaalada udhexeeya dawlada itoobiya iyo ciidamada tigray ayaa hada dib ubilowday iyadoo dawlada itoobiya diyaarado ku duqaysay caasimada maqale halka ciidamada TPLF Ay qabsadeen gobolo cusub oo kamid ah gobolka axmaarada iyo canfarta.

Iska horimaadyadan soo cusboonaaday ayaa burburiyay heshiis nabadeed oo socday muddo shan bilood ah, waxaana ay meesha ka saareen dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda labada sano ku dhow ee ka socotay waqooyiga dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Exit mobile version